Madaxweynaha Galmudug oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Garoowe

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta gaaray Magaalada Garoowe.
Madaxweyne Qoor Qoor iyo wafdigiisa, waxa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Garoowe ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo xubno ka tirsan maamulka Puntland.
madaxweyne Qoor Qoor iyo wafdigiisa, oo ka kooban mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug iyo xildhibaanno heer Federaal ah, waxay ka qayb-galayaan Madasha doodaha ee hay’adda Heritage, taas oo lagu qaban doono Garoowe.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com