Dawlada Federaalka iyo Xubno ka socda Beesha Caalamka oo maanta shir uu uga Furmayo Muqdisho

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa ka hadlay Ujeedada kulanka waxaana uu sheegay in kulanka uu ku saabsan yahay sidii ay dowladu uga heli lahayd beesha caalamka lacagta ay u qorsheysay in lagaga caawiyo qabashada doorashada oo gaareysa $36 malyan oo dollar.
Wasiirka Beyle ayaa dhowaan shaaca ka qaaday in lacagta ku baxeysa doorashada ay dhan tahay $40 Milyan oo Dollar, lacagtaas saami ahaan dowladda Soomaaliya ayaa ka bixineyso lacag dhan $4 Milyan oo dollar, halka Beesha Caalamka laga doonayo inay bixiso $36 Milyan dhammeystirto.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa dhawaan sheegay in lacagtaasi loo adeegsanayo Safarada Guddiyada Doorashada Heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, Goobaha ay degayaan xubnaha Guddiga, Xafiisyada shaqada, Tababarada Ergada iyo Gunooyinka howlwadeenada.
Waxaana shirka Beesha Caalamka iyo Dawlada Federaalka ee maanta ku qabsoomaya Muqdisho uu ku soo aadayaa xilli Gudiga lagu murunsanyahay doorashooyinka Heer Federaalka ay soo saareen Habraaca doorashada Xildhibaanada Aqalka sare maamul goboleedyadana ay u direen doorashada iyo sida ay ku qabsoomeyso

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com