Hawgalo Dad shacab ah lagu soo qabtay oo ka dhacay Baladweyne

Wararka ka imaanaya Magaalada Baladweyne ee Xaruunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Dad badan oo shacab ah loo taxaabay xabsiga Magaalad Baladweyne
Dadkaas ayaa la xiray ka dib markii Hawlgalo wadajir ah oo xaafadaha qaar magaalada Baladweyne ay ka sameeyeen Ciidamada Booliska Magaalada Baladweyne iyo Ciidanka ka Tirsan Amisom oo ku Sugan Magaaladasi
Dad la Xi xiray ayaa looga shakisan yahay in ay ku lug leeyighiin kacdoonka siyaasadeed ee ka jira Magaaladaasi Islamarkaana looga soo horjeedo Madaxweynaha Hirshabeele Cali Guudlaawe Xuseen iyo ku Xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.
Warar kale ayaa sheegaya in Dadka la xiray ee la dhigay saldhiga Degmada Baladweyne lagu Eedeynaayo in ay ku lug leeyhiin dhagaxyo lagu jaray wada aada garoonka diyaaradaha ee magaalada Baladweyne iyo kicin Dadweyne in ay halkaasi ka wadeen
Magaalada Baladweyne ayaa Waxaa ku sugan jeneraal Abuukar Xuud oo halkaasi kaga dhaawaqay Jabhad kacdoonka shacabka ee gobolka Hiiraan

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com