Warar dheeraad oo ka soo baxaya Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Ismiidaamin ah oo barqanimadii maanta ka dhacay Xero militari ee ku  Taala agagaarka garoonka kubada cagta ee Muqdisho Staadiyam una dhow Isgyska Cali kamiin ee Magaalada Muqdisho

Gaari waxyaabaha qarxa ay ka buuxaan ayaa lala eegtay xeradaasi oo ay degan yihiin guutada 12aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gaadiidka Gurmadka Deg dega ah ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay waxaana la daabulaya dhaawacyada ka dhashay Qaraxaasi

Warar ayaa sheegay in Ciidanka Dawlada Federaalka eek u sugan xeradaasi uu soo gaaray khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac in kastoo aanan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashy qaraxaasi

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com