Shir u dhexeeya Dawlada Federaalka iyo Dawlad goboleedyada oo dhawaan ka Furmaya Muqdisho

Shir u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, ayaa maalmaha soo socda ka furmaya magaaladda Muqdisho si loo sii ambaqaado dhameystirka heshiiskii 17-kii bishii Sibteembar.

Dhawaan magaalada Muqdisho ayaa lagu wada in uu  ku qabsoomo kulan u dhaxeeyay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlada Goboleedyada dalka si loo dhameystiro Hishiiskii 17-ka Sibteembar, kaas oo qeexaya habraacyo muhiim u ah doorashooyinka dalka.

Afhayeenka xukuumadda federaalka ee Soomaaliya Maxamed Ibraamim Mucalimuu, ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu diyaar u yahay si wadidda wadahadallada mucaaradka.

“Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble waxa uu mar kasta diyaar yahay sii waddida wadahadalladii uu la lahaa Musharaxiinta Madaxtinimada Soomaaliya si guud iyo si gaar gaar ahba ,si loo gaaro heshiis iyo is afgarad ,dalkuna uu doorasho u aado” ayuu yiri Afhayeen Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com