Madaxweynihii hore Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo shaaciyay in musharixiinta ay sameeysan doonaan Ciidamo u gaar ah oo Amnigooda Suga

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Axmed, ahna guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta ayaa ka hadlaysababta uu u baaqday  dibad-baxii qorsheeyeen inay ka dhigaan Muqdisho

Sheekh Shariif Sheekh Axmed sheegay in burburka ay Hadda Soomaaliya ka soo ka baneyso ay sababtay u tahay ciidamada oo ku milmay siyaasadda, wajiga ay leedahay iyo sida ay u tahay wax xunna laga heysto xusuus xun oo laga sheekeyn karo.

waxay muujineysaa Dooda musharaxiinta ee ah cidda amniga sugeysa iyo arrinta ciidamadda ay noqoto qadiyad xal laga gaaro maadaama madaxweynaha waqtigiisu dhamaadey uu si qaldan u adeegsaneyso Ciidamada ,” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Banaan baxa waan dhigeynaa Amnigana Ciidamo Mushirixiinta ay wataan ayaa sugaya cid naga hor istaagi karto ma jirto in aan banana bax dhigno ayuu yiri sheikh shariif sheikh Axmed

Hadalkaan ka soo baxay sheikh Shariif ayaa ku soo aadaya Xilliuu shlay oo sabti ah uubaaqday banana bax ay doonayen in ay dhigaan Mucaaradka Dawlada ee la baxayMidowga Musharixiinta waxaana sababta ay u hakiyeen dibad baxa ay ku sheegeen in dawlada uu madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ay ciidamo geysay goobtii diabad baxa ay ku dhigi la haayeen ee ah taalada Daljirka Dahsoon

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com