Soomaalinad oo Xafiis ka Furatay Taiwan

munaasibad lagu qabtay Taiwan ayaa Xariga looga Jaray Xafiiska ay Somaliland ku yeelanayso halkaasi, iyadoona uu goobjoog ka ahaa Wakiilka ay Somaliland u magacowday Taiwan.

Kadib Heshiis ay labada dhinac Gaareen, waxaa horay Xafiis magaalada Hargeisa uga furtay Maamulka Taiwan.

Heshiiska Taiwan iyo Somaliland waxaa si weyn uga Carootay Dawladda Shiinaha oo Wafdi u soo dirtay magaalada Hargeisa, inkasta oo ay muuqato inaysan ku guulaysan inay Xiriirka Labada dhinac u bilowday meesha ka saarto.

Dawlada Feseraalka  Soomaaliya ayaa dhankeeda maamulka Taiwan uga digtay Faragelinta Arimaha Gudaha ee Soomaaliya, in kastoo aysan Arintaasi dheg jalaq usiin Taiwan

Soomaliland iyo Taiwan ayaan midkood Aqoonsi ka helin Qaramada midoobay iyadoo Somaliland ay ku guuldareysatay Ictiraaf ay ka hesho Caalamka iyo Soomaaliya waxaana loo Aqoonsan yahay Dal ka Tirsan Jamhuuriyada Soomaaliya

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com