Wasiir Cawad oo Puntland u sheegay in ay lashaqeeyso Dowlada Fadaraalka.

Garoowe : Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo khudbad ka jeediyey shirka wadatashiga ee Maanta ka furmay Garoowe ayaa ka hadlay arrimo ay kamid yihiin khilaafka dowladda Federaalka , Maamulka Puntland & hadal kasoo yeeray Madaxweyne Deni.

Wasiir Cawad waxaa uu sheegay in mararka qaar ay dareemaan tuhun ah in Puntland ay si gooni ah wax u rabto,iyada oo sheegeyso inay tahay Hooyada Federaalka Soomaaliya,hayeeshee ay ka rajeynayeen in Madaxweyne Deni uu yimaado Magaalada Muqdisho.

Diyaarad walbo oo nasoo dulmarto waxaanu dhahnaa armuu Saaran yahay Deni, waana daalnay sidaan Kuu sugaynay, Marka Madaxwayne waan rajaynayaan inaad Muqdisho inoogu timaado,waayo waxaa nagu jira tuhun ah inaad si gooni ah wax u rabtaan ayuu yiri”Wasiir Cawad.

Shirka wadatashiga Maamulka Puntland ee Maanta ka furmay Magaalada Garoowe ayaa waxaa ka qeyb-galaya Xubnaha labada Gole ee Dowladda ku metela dowladda Federaalka.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com