Madaxweyne Trump Oo Laga Baaray Cudurka Coronavirus

Washington : Madaxweynaha Mareykanka Donlad Trump ayaa laga baaray xanuunka Coronairus, waxaana la shaaciyay in madaxweynaha uusan qabin xanuunkaasi oo fara ba’an ku haya dunida.

In xanuunkaan laga baaro madaxweyne Trump ayaa timid ka dib markii dhamaadkii todobaadkii hore uu la kulmay madaxda dalka Brazil oo qaarkood caabuqaani laga helay.

Dhakhtarka gaarka ah ee Aqalka Cad, Sean Conley, ayaa sheegay in Jimcihii baaritaan lagu sameeyay madaxweynaha, natiijadii baaritaankaasina la helay shalay oo Sabti ahayd, taa oo muujisay in madaxweynuhu uusan qabin cudurkaasi.

Inkabadan 54 ruux ayaa caabuqaan ugu geeriyooday dalka mareeynkanka, waxaana xaalad deg deg ah ku dhawaaqay Trump oo sheegay in 50 bilyan ay u qorsheeyeen Coronavirus, isaga oo sidoo kale hakiyay duulimaadyadii uga imaan jiray dalalka Yurub dhaca.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com