Madaxweyne Dani oo Eeden kulul u jeediyay Madaxda Sare ee DFS.

Garoowe, Madaxweynaha Puntland Siciid Dani ayaa eedeyn kulul u jeediyay Madaxda ugu sareysa dowlada Federaalka Soomaaliya.

Dani oo ka hadlayay Shirka wada hadalka Puntland ee maanta furmay ayaa xusay in Puntland dadaal xoogan ugu jirtay sidii xal looga gaari lahaa khilaafka kala dhaxeeya dowlada Federaalka.

Balse waxaa uu tilmaamay in arintaas ka socan wayday Madaxda dowlada.

:Madaxda dowlada waxaa ay isku dayayaan in awooda la wareegaan:ayuu yiri Dani.

Ugu dambeeyn Madaxweyne Dani ayaa sheegay in go,aan ka qaadan doonaan Arimaha khilaafka sii kordhaya.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com