Norwey oo xirtay guud ahaan Garoomada diyaaradaha.

Oslo,Dowlada Norwey ayaa maanta ku dhawaaqday in ay xirtay Xuduudaha Wadanka iyo guud ahaan Garoomada Diyaaradaha.

Ra,isul Wasaaraha Norwey Erna Solberg oo shir jaraa,id qabatay ayaa ku shaacisay in wixi ka bilowda Isniinta 08:00AM subaxnimo dhaqan gali doono sharcigaan.

Erna ayaa xustay in arintaas uga gol leeyihiin sida lagu xakameyn lahaa Xudurka Wadanka ku sii baahaya ee Coronovirus.

Sidoo kale Erna ayaa ku boorisay bulshada in degenaan muujiyaan isla markaana yareeyaan booqashada iyo safarada aan muhiimka aheyn.

Wadanka Norwey ayaa laga diiwaangaliyay in uu soo ritay Coronovirus 1078 ruux halka ay u dhinteen sedex qof.

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com