Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay Xildhibaano ka Tirsan baarlamaanka Galmudug

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa casho sharaf ku maamuusay Xildhibaannada iyo Guddoonka Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Galmudug Maxamed Nuur Gacal ayaa Madaxwayne Farmaajo iyo Xukuumadda Soomaaliya uga mahad celiyey dedaalkii ay ku bixiyeen Dhismaha Galmudug, Wuxuu sidoo kale ka hadlay Horumarka iyo Shaqooyinka ka Qabsoomay Galmudug.

Madaxwayne Farmaajo ayaa Xildhibaanada Galmudug ka Xog waraystay Baahiyaha ay Qabaan Bulshada  Galmudug, Wuxuuna ku Booriyey Inay Xoojiyaan Midnimada iyo Wadajirka Galmudug.

Casho sharaftan oo ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Maxamed Nuur Gacal, Guddoomiye Kuxigeenka 1-aad ee Barlamaanka Galmudug Mudane Cabdullaahi Xirsi Maxamed, Guddoomiye Kuxigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Galmudug Marwo Faadumo Cabdi Cali iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com