Jeneraal Yuusuf Indhacadde oo sheegay In qabiil ahaan uu u difaacayo Midowga Musharixiinta

Indha Cadde ayaa shaaca ka qaaday cidda ay ka difaacayaan musharaxiinta mucaaradka, wuxuuna sheegay in ciddaas ay tahay dowladda federaalka Soomaaliya, inkasta oo uusan magacaabin.

“Midowga Musharaxiinta waxaa laga difaacayaa ciddii mid ka mid ah musharaxiinta weerartay oo layday, oo istaafkooda layday, oo guryahooda ugu dhacday, oo ku dhaawacday, ciddaas ayaa laga difaacayaa, waana la yaqaan ciddaas cidda ay tahay, waana cidda hadda diidan sharciga iyo dastuurkii la qortay,” ayuu yiri Indha Cadde.

Indhacadde ayaa sheegay in Ragga Musharrixiinta intooda badan ay isku beel yihiin Taasina ay tahay sababta ay ku difaacayaan Musharixiinta .

Hadalka Jeneraal Indhacadde ayaa ku soo aadaya iyadoo Midowga Musharixiinta ay magacaabeen Saraakiil  qayb qaadneysa Sugida Amnigooda iyo goobaha ay shirark ku qabtaan waxaana sarakiisha ka mid ah Jeneral Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com