Baabuur uu la socday Imaam Maxamed Yuusuf oo caawa la rasaaseeyay

Baabuur uu la socday Imaam Maxamed Yuusuf ayaa caawa lagu weeraray nawaaxyiga maxkamada gobolka Banaadir.

Ciidamo ka Tirsan dawlada Federaalka gaar,ahaan ilaalada barkoontarool ee  ku taala agagaarka Maxkamada gobolka Banaadir ayaa la soo sheegayaa in baabuurka uu saaranaa iimaam Maxamed Yuusuf halkaasi ay ku rasaaseeyeen waxaana ka dhashay weerarkaasi rasaaseeynta khasaare in kastoo aanan la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarka.

Imaam Maxamed Yuusuf ayaa lagu soo waramayaa in baabuurka ay la saarnaayeen Odayaal dhaqameed tirsan Beelaha Hawiye

Warar aan heleyno ayaa sidoo kale sheegaya in baabuurka uu la socday Imaam Maxamed Yuusuf lagu rasaseeyay Agagaarka Xabiga Dhexe una dhow maxkamada gobolka Banaadir

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com