Sii haayaha Ra,iisal wasaaraha iyo Madaxweyne Deni oo kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho

Mahdi Maxamed Guuleed Siihayaha xilka  Ra,iisal wasaaraha dalka  ayaa maanta hoygiisa magaalada Muqdisho qado Sharaf soo dhoweyn ah ugu sameeyay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdigiisa oo maalmahan ku sugnaa Muqdisho.

Labada masuul oo markii ugu horeysay kulmay ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka, wuxuuna kulankani kamid yahay kulamo badan oo madaxweynaha Puntland la yeelanayey hay’addaha dowliga, hogaanka xisbiyada, siyaasiyiinta mucaarada ah iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa u yimid magaalada Muqdisho inay kula shiraan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaaso aanan wali suuragelin.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com