Beesha Hiraab oo loogu baaqay in ay ka Tanaasulaan xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Taliyihii hore hay,adda nabad-sugidda Soomaaliya ayaa beesha Hiraab ugu baaqay iney ka tanaasulaan xilka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Sanbalooshe ayaa ka hadlayey casuumad ay Beelaha Hawiye qado ugu sameeyeen labada madaxweyne ee Jubbaland iyo Puntland kuwaas oo ku sugan Muqdisho si xal looga gaaro xaaladda kala guurka wadanka iyo heshiis laga gaadro nooca doorashada uu dalka galayo.

Sanbaloolshe oo goobta ka hadlay wuxuu yiri “Ra’iisul wasaarahii waa caraf beelay ee hala iska dhaafo Hiraabow”

Sidoo kale wuxuu madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ugu baaqay in aysan  gogoshii Dhuusamareeb iloobin, heshiiskana halagu gaaro Xamar balse waa iney wax walba kusoo xidhaan caasimadda Galmudug.

Sambalooshe  wuxuu ku dardaarmay in la xushmeeyo gogoshii uu dhigay Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor).

Wuxuu sidoo kale eedaymo u jeediyey Madaxwaynaha DF Soomaaliya, Wuxuuna rajjo wanaagsan ka muujiyey Shirka muqdisho.

Hotel Dorbin ayey munaasabaddu ka dhacday waxaana ku sugan madaxweynayaashii hore Soomaaliya (Cali Mahdi Maxamed iyo Xasan Shiekh Maxamuud, sidoo kale golayaasha labada aqal ee Federaalka iyo gudoomiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame) ayaa ku sugan.

Taliyihii hore hay,adda nabad-sugidda Soomaaliya ayaa beesha Hiraab ugu baaqay iney ka tanaasulaan xilka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Sanbalooshe ayaa ka hadlayey casuumad ay Beelaha Hawiye qado ugu sameeyeen labada madaxweyne ee Jubbaland iyo Puntland kuwaas oo ku sugan Muqdisho si xal looga gaaro xaaladda kala guurka wadanka iyo heshiis laga gaadro nooca doorashada uu dalka galayo.

Sanbaloolshe oo goobta ka hadlay wuxuu yiri “Ra’iisul wasaarahii waa caraf beelay ee hala iska dhaafo Hiraabow”

Sidoo kale wuxuu madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ugu baaqay in aysan  gogoshii Dhuusamareeb iloobin, heshiiskana halagu gaaro Xamar balse waa iney wax walba kusoo xidhaan caasimadda Galmudug.

Sambalooshe  wuxuu ku dardaarmay in la xushmeeyo gogoshii uu dhigay Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor).

Wuxuu sidoo kale eedaymo u jeediyey Madaxwaynaha DF Soomaaliya, Wuxuuna rajjo wanaagsan ka muujiyey Shirka muqdisho.

Hotel Dorbin ayey munaasabaddu ka dhacday waxaana ku sugan madaxweynayaashii hore Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed iyo Xasan Shiekh Maxamuud, sidoo kale golayaasha labada aqal ee Federaalka iyo gudoomiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku suganaa.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com