Puntland oo ka hadashay Kiiskii Kufsiga iyo Dilka isugu jiray ee Marxuumad Hodan Axmed Shanleyste

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo ku sugan Magaalada Muqdisho, ayaa markii u horraysay ka hadlay cabasho laga muujiyay Xukun ay ridday Maxkamadda Garoowe oo ku saabsan Kiiskii marxuumad Hodon Shanlayste.

Madaxweyne Deni, wuxuu Garsoorayaasha Xukunkaas riday ku boorriyay in ay Qoyska Marxuumadda iyo guud ahaan Shacabka Puntland u sharraxaan Qodobada ay u cuskadeen Go’aankooda, si loogu kalsoonaado Hannaanka Cadaaladda.

Sidoo kale, Qoyska Marxuumadda ayuu ugu baaqay in ay Rafcaan ka qaataan Xukunka haddii aysan ku qancin maadaama Maxkamadda Xukunka ridday aysan ahayn mid kama dambays ah balse ay jiraan maxkamado ka sarreeya.

Mudane Deni, wuxuu sidoo kale ku hanjabay in Xukuumaddu tallaabo adag ka qaadi doonto Garsoorihii lagu ogaado in uusan ridin Xukun Caddaalad ku dhisan.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com