Madaxweyne Farmaajo oo shaaciyay Xilliga Uu Furmayo Shirka lagu Casuumay Madaxda Maamul goboleedyada iyo Gobolka Banaadir

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ku casuumay madaxda dowladaha xubnaha ka ah Federaalka in ay ka soo qeyb galaan shir ay u dhanyihiin Dowladda Federaalka, Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa la sheegay in lagu lagu dhammeystirayo hanaanka doorashooyinka dalka, iyadoo uu saldhig u yahay heshiiskii Samareeb-3. waxaana shirkaasi uu qabsoomayaa 10 bishaan September.

Arintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo maanta uu magaalada Baydhabo shir uga furmayo madaxda maamulada  Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle oo horay uga wada qayb galay shirkii Dhuusamareeb3.

Sidoo kale waxaa Muqdisho ku sugan madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland kuwaasi oo sugaya inay madaxda maamulada kale kusoo biiraan Shirka Muqdisho.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com