Wararkii Ugu dambeeyay khasaaraha ka dhashay Weerar ay Ciidanka Xoogga ku qaadeen Degaanka shabaab ay ku sugnaayeen

Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamada ka tirsan xoogga dalka ee qeybta 60-ay dagaal ku qaadeen  deegaanka Seydheelow oo 30-KM u jira magaalada Baydhaba ee gobolka Bay.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu yimid iyadoo Xubno ka tirsan Alshabaab halkaa ay u joogeen inay ka ururiyaan Zekawaad beeralayda deegaankaas.

“dagaalka ayaa waxaa ku diney 7 qof oo ka tirsan Al-Shabaab afar kalana waan ka soo qabanay,”ayuu yiri sarkaal u hadlay ciidamada xoogga dalka ee gobolka Bay.

Sarkaalkaasi ayaa Caddeeyay in dagaalka lagu  diley 2 ka mid ah askartii howgalka ka qeybqaadatay ee qeybta 60-aad.

Ciidamada xoogga dalka ee  gaaray deegaanka Seydheelow ee gobolka Baay  ayaa lagu soo waramayaa in ay dib ugu laabteen Fariisinkii ay kaga sugnaayeen Magaalada Baydhab ..

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com