Madaxweyne Deni oo sheegay in Puntland ay ka maqan tahay lacagtii loo soo Marsiiyay Dawlada Federaalka Soomaaliya

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa shaaciyay in Puntland ay weli ka xannibantahay lacagtii loo soo mariyay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Deni, wuxuu sheegay in Lacagta loo yaqaan Budget-support, oo Baniga Adduunku siiyay Soomaaliya, aysan weli waxba ka soo gaarin Dowlad Goboleedyada Dalka, kadib markii ay ka xannibtay Wasaaradda Maaliyadda heer Federaal.

Madaxweynuhu, wuxuu sidoo kale codsaday in Lacagtaasi loo fasaxo Dowlad Goboleedyada, maadaama ay tahay lacag loogu tala-galay, in la gaarsiiyo Waddanka oo dhan ,si wax loogu fuliyo Arrimaha u baahan Wax ka qabadka.

Madaxweyne Deni, wuxuu sheegay in haddii Lacagtaas si sax ah loo gaarsiin waayo dhammaan Dowlad Goboleedyada, ay taasi dhaawac ku keeni karto Kalsoonida lagu qabo Hanaanka Maaliyadda Dalka, xilli lagu jiro Barnaamijka Deyn-cafinta.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com