Maraykanka oo sheegay in Duqayn ay ku dileen Sarkaal Sare oo ka Tirsanaa Alshabaab

Taliska ciidamada Maraykanka Afrika ee AFRICOM ayaa war Saxaafadeed ay soo Saareen waxa ay kaga  hadleen duqeyn ay ka geysteen Soomaaliya 25kii bishii August ee sanadkan.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in duqeyntan oo ka dhacday degmada Saakow ee gobolka Jubada Dhexe lagu diley Cabdqaadir Komaandoos oo Maraykanka uu ku tilmaamay inuu xilal badan ka soo qabtay ururka Alshabaab.

“Duqeyntan oo lagu qaaday wadnaha Alshabaab waxa ay tahay mid hoos loogu dhigayo awoodooda iyo sidii aysan dhibaatooyin kale uga geysan lahaayeen dalka Soomaaliya iyo dibadiisaba.”ayuu yiri Taliyaha ciidamada AFRICOM Gen. Stephen Townsend.

Maraykanka ayaa sheegay inay sii wadi doonaan inay dowlada Soomaaliya kala shaqeeyaan sidii cadaadis lagu saari lahaa argagaxisada.

Qoraalka ka soo baxay AFRICOM ayaa lagu xusay in tan iyo bishii Janaayo ee sanadkan illaa 46 jeer duqeyn ay ka geysteen dalka Soomaaliya.

Taliska ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ayaa sidoo kale qoraalkan ku sheegayin sanadkan ay duqeymaha ay ka geysteen Soomaaliya lagu diley saraakiil ka tirsan ururka Alshabaab oo ay ka mid yihiin Bashir Mohamed Mahamoud, oo loo yiqiin Bashir Qoorgaab, Yuusuf Jiis iyo duqeyntii ugu dambeysay ee lagu diley Cabdqaadir Komaandoos.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com