Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ka shiray Soo Saarista Shidaalka Soomaaliya

Sii hayaha Ra’iisal wasaaraha ahna Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa Maanta oo Sabtiya guddoomiyay Shir looga hadlayay soo saarista Shidaalka Soomaaliya.

Shirka waxaa ka qaybgalay sii hayaha wasiirka batroolka iyo macdanta dawladda Xukuumadda Federaalka Cabdirashid Maxamed Axmed, sii hayaha wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, sii hayaha wasiirka Cadaaladda, mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda Qorshaynta, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Badroolka Soomaaliya Ibraahim Cali Xuseen iyo mas’uuliyiin kale.

Shirka ayaa looga hadlay xoojinta ahmiyadda ay Dowladda Soomaaliya siinayso ka faa’iidaysiga khayraadka dalka, iyo sidii tallaabooyin hormar leh looga samayn lahaa arrinkan horraanta sanadka 2021-da.

Sii hayaha Ra’iisal wasaaraha dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in ay xukuumaddu ka shaqaynayso khayraadka dabiiciga ah ee Dalka oo laga faa’iidaysto,iyadoo loo marayo hab faa’iido u leh dhaqaalaha iyo horumarka bulshada.

Sharciga Batroolka Soomaaliya, oo uu horay u saxiixay Madaxweyne Farmaajo, ayaa dhaliyay muran xooggan oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada qaar, kuwaas oo Shirkadaha Shisheeye uga digay in ay Khayraadka Soomaaliya kula baxaan Saxiixa Farmaajo.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com