Madaxweyne Axmed Madoobe oo Khudbad ka Jeedin doona Aqalka Sare

Madaxweynaha Maamulka Jubland Axmed Madoobe oo ku Sugan Magaalada Muqdisho ayaa khudbad ka jeedin doono xarunta Aqalka Sare taas oo uu uga hadlayo arrimaha Jubbaland, xaalada dalka iyo safarkiisa Muqdisho.

Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa ku war-geliyay Senatorada Aqalka Sare in kulanka maanta uu mihiim yahay, islamarkaana uu ka soo qeyb-geli doono Madaxweynaha Jubbaland.

Sidoo kale xildhibaanada Aqalka Sare ayaa su’aallo dheeraad ah weydiin doona Axmed Madoobe oo kulamo siyaasadeed ka wadey caasimada Muqdisho.

Hoggaamiye Axmed Madoobe ayaa sidoo kale la filayaa khudbaddiisa ku soo qaado arrimaha gobolka Gedo iyo dhaq-dhaqaaqyada ka jira, taas oo ka mid aheyd shuruudihii uu hordhigay Villa Soomaaliya, ka hor inta uusan bilaaban shirka wadatashiga Muqdisho.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com