Erdogan oo sheegay in lagu casuumay sahminta shidaalka Soomaaliya.

Ankara, Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa shaaca ka qaaday in dowladiisa lagu casuumay in ay ka qeyb qaadato shidaal baarista Soomaaliya.

Erdogan oo maanta la hadlayay warbaahinta ahaa tilmaamay in codsi ka yimid dowlada Soomaaliya ay qiimeyn doonaan isla markaana dhawaan talaab qaadayaan.

Madaxweynaha ayaa faah faahin dheeri ah ka bixin talaabada ay qaadi doonaan.

Hadii Turkiga ka qeyb qaato sahminta shidaalka ee Soomaaliya waxaa ay noqon doontaa guul weyn oo Ummadda Soomaaliyeed u soo hoyatay.

Turkiga ayaa ah wadanka ugu dhaw ee taageero dhan walba ah siiya dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com