Dhageyso: Gudoomiyaha Xisbiga Samo oo bogaadiyay doorashadii ka dhacday Puntland.

Gudoomiyaha Xisbiga Sinaanta Amaanka iyo Midnimo u ololeynta ee loo soo gaabiyo (SAMO) Aweys Xuseen  Hunero ayaa ka hadlay doorashadii qof iyo cod ee ka dhacday degaano ka tirsan Puntland

Gudoomiyaha Xisbiga Samo ayaa sheegay in in doorashadii ka dhacday 3 degmo oo ka tirsan Puntland ay ahayd mid tusaale u ah dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee ku  sugan Soomaaliya iyo Caalamka .

Sidoo kale Gudoomiye Huneero ayaa bogaadiyay Taalaabada Puntland ay ugu ogolaatay dadka barakacayaasha eek u dhaqan degaanada maamulka Puntland ay ka taliyaan sida ay ogolaadeen in ay ka mid noqdaan Dadka Codbixiyaasha ah iyo in ay ka soo baxeen Xildhibaano ka mid noqday Golayaasha degaanada 3da degmo ee doorashada ay ka dhacday

Doorashada Qof iyo Cod ee ka dhacday degmooyinka kala Qardho ‘ Eyl iyo Ufeyn ayaa waxaa ku tartamay 8 urur siyaasdeed w3axaana ku guuleystay degaano qaar inta badan codadkii la tariyay Xisbiga Kaah ee uu Hogaamiyo Madaxweynaha Puntland saciid Cabdulaahi Deni.

Halkaan Hoose  ka Dhageyso waraysiga Gudoomiye Hunero: