Booliiska Soomaaliya oo baaritaano ka sameeyay degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir.

Booliiska gaarka u tababaran ee Haram-cad ayaa xalay howlgalo baaris ah ka sameeyay Degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir, waxa ay soo qabteen shaqsiyaad ay tuhmayaan oo qaarkood geeyeen xarumahooda baarista.

Dadka Degmada ayaa sheegay in howlgalka uu socday Muddo saacado ah, waxaana askarta ay tageen xaafadaha Degmadaas, iyaga oo goob isugu geeyay dhalinyaro oo markii dambe hubin ay mariyeen intooda badan kusii daayay.

Ciidamadu waxa ay xireen waddooyinka muhiimka ah ee Degmada Hiliwaa, gaar ahaan jidadka u dhaw Xaafadaha ay baarista ka wadeen sida warbaahinta  u sheegeen ilo xog ogaal ah oo uga warbixiyay howlgalkaas.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay 19-kii bishaan Agoosto 2020-ka in ay bilaabayaan howlgalo lagu baarayo degmooyinka Caasimadda, Gaadiidka iyo dadka saaran si loo adkeeyo nabadgalyada.

Kulankaas waxaa shir guddoomiyay Guddoomiye Ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Axmed Xasan Iimaan, waxaana ka qaybgalay mas’uuliyiinta Gobolka iyo saraakiisha ciidamada si loo xasiliyo ammaanka Caasimadda oo dilalka, qaraxyada iyo weeraraka dib ugu soo laabteen.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com