Madaxweyne Farmaajo oo shir Gudoomiyay shir Hordhac u ah shirka wadatashiga

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaaXalay  kulan hordhac u ah Shirka Wadatashiga Dhuusamareeb waxa uu la qaatay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed  Lafta Gareen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed.

Qoraal ka soo baxay Villa Somalia, ayaa lagu sheegay in Madaxdu ay iska xog wareysteen hannaanka geeddi socodka doorashooyinka dalka, xaaladda siyaasadeed iyo amni islamarkaana si wadajir ah  u cambaareeyeen  weerarkii ay Al-shabaab ka fulisay mid ka mid ah hoteellada magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Qoraalka waxaa lagu xusay in sidoo kale Madaxdu adkeeyeen muhiimadda ay midnimada iyo wadajirku u leeyihiin dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida iyo xaqiijinta hiigsiga shacabka Soomaaliyeed.

Qoraalka ayaa lagu xusay in Madaxweyne Farmaajo uu bogaadin u jeediyay  Madaxweyneyaasha Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir sida ay uga go’an tahay in la sii ambaqaado wadahadallada muddaysanaa ee heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, taas oo lagaga arrinsanayo hannaanka doorashooyinka dalka.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com