Shabaab oo weerartay degaanka Goof Gaduud Buureey ee gobolka Baay

Al-shabaab ayaa Saaka weerar  ku qaaday Degaanka Goof-gaduud Buurey oo ku taala duleedka Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Weerarka oo ku bilowday qaraxyo ayaa Al-shabaab la beegsatay Saldhig ay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa koonfur Galbeed ku leeyihiin Degaanka Goof-gaduud Buurey waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xooggan.

Warar hordhac ah oo ka soo baxaya Dagaalkaas ayaa sheegaya in Al-shabaab ay gacanta ku dhigeen Saldhiga Ciidamada ee Goof-gaduud Buurey islamarkaana ay halkaasi askar badan ku laayeen inkastoo aysan jirin cid si rasmiya u xaqiijisay.

Sidoo kale warbaahinta Al-shabaab ayaa sheegtay in  ay cagta mariyeen Saldhiga Goof-gaduud haatana ay si buuxda gacanta ugu hayaan Saldhigaas kadib markii Ciidamada dowladda laga ceyrsaday.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com