Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay Xeerka warbaahinta oo ay ku jiraan qodobo ka hor imaanaya warbaahinta xorta ah

Sii haayaha xilka Ra,iisal Wasaaraha Soomaaliya Mahdi ,maxamed Guuleed khaddar ayaa maanta magaalada  Muqdisho ku qabatay munaasabad lagu dhaqangalinayay xeerkan, waxaana ka qeybgalay Sii hayaha wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xeyr Maareeye

Sii haayaha Xilka Wasiirka koowaad ee Dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in xeerkan oo la tashiyo iyo dib-u-eegis lagu sameeyay uu wax badan ka qaban doono dhibaatada ay qabeen bahda warbaahintu, sidoo kalana uu qeexayo mas’uuliyadda ballaaran ee saaran bahda warbaahinta.

Mahdi Guuleed oo ka hadlay maxkamadda ku haboon qaadidda dacwadaha iyo eedaha saxafiga ayaa yiri, “Anigu runtii sharci yaqaan ahaan iyo qof ahaan ra’yiyan ma fahmi karo sababta qof suxufi ah xeer ciqaabeed loogu oogaayo waxay tahay waayo ciqaabta Iyo mihnadda saxafinimo ee qofka suxufiga ahi waa kala caagan yihiin ayuu yiri mudane Mahdi Maxamed Guuleed khaddar ”

eerka saxaafadda ee Madaxweyne Farmaajo saxiixay ayaa qoraalkiisii ugu horreeyay lasoo billaabay 14 sano kahor, waxaana markii ugu horreeyay golaha shacabku meel mariyeen 2008, yeeshee waxaa qodobada qaar dood ka keenay bahda warbaahinta, taas oo dhalisay in 2013 la billaabo dib-u-eegis lagu balaaranayo, waxaana mar kale baarlamaanku meel mariyeen 2015, waxaana madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh saxiixay 2016.

Sannadkii 2017 ayaa mar kale dib u eegis lagu billaabay sharcigan, waxaana la sheegay in wax ka bedel lagu sameeyay 11 qodob oo kamid ah 15 qodob oo bahda warbaahintu dood ka keeneen.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com