Maxaa looga hadlay kulan Muqdisho ku dhexmaray Wasiirka Amniga ee XFS iyo Taliyaha Ciidanka Booliska ?

Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamad Nuur ayaa kormeeray Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, halkaasi oo uu kula kulmay saraakiisha booliska.

Wasiirka ayaa warbixin ka dhegeystay Taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliya Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo saraakiisha kale ee Booliska, oo ka hadlay xaaladda guud ee amniga iyo qorsheyaasha Booliska uga degsam xoojinta iyo sugidda Nabadgelyada.

Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya  Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa kula dardaarmay Saraakiisha Booliska adkeynta amniga gaar ahaan goobaha doorashooyinka, maadaama dhawaan la guda geli doono doorashada kuraasta Golaha Shacabka, waxaana uu kormeeray qeybaha xarunta Taliska Booliska Soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com