Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo xilkii Hogaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya laga qaaday

Aadan Barre Ducaale ee laga soo doorto Degmadda Gaarisa ayaa lagu dhawaaqay in laga qaaday Xilkii ahaa Hogagamiyaha Aqlabiyadda ee Barlamaanka Kenya.

Kulan gaar  ah oo uu Madaxweyne Uhuru Kenyatta maanta guddoomiyey ayaa waxay  Xildhibaanadda Xisbi Xaakimka haya Talada dalkaasi ee Jubilee Party ku go’aamiyeen Xil-ka-qaadista Aadan Barre Ducaale, waxaana Hoggaamiyaha Cusub ee Barlamaanka Kenya loo doortay Amos Muhinga Kimunya

126 Xildhibaan oo ka mid ahaa 179-ka Xildhibaan ee Xildhibaanadda Xisbiga Jubilee ayaa horey u saxiixay Mooshinka Xil-ka-qaadista Aadan Barre Ducaale.