Dagaalyahano ka tirsan Alshabab oo lagu dilay Jubbada Hoose.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Danab qeybtooda ka howgala Jubbada Hoose ayaa sheegay in ay dileen dagaalyahano ka tirsan Ururka Alshabaab.

Saraakiisha ayaa sheegay in dagaalyahanada ku dileen weerar ka dhacay Araare iyo Maleeleey.

“Weerar ciidamada ku qaadeen kooxda nabad diidka ah waxaa ku dilnay in ka badan 10 ruux” ayuu yiri sarkaalka.

Sidoo kale sarkaalka ayaa sheegay in Alshabaab kala wareegeen deegana ay gacanta ku haayeen.

Ciidamada dowlada ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waday howgalo lagu baacsanayo Ururka Alshabaab.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com