Gudiga Soo Xulista Baarlamaanka 2aad Hirshabeele oo soo bandhigay Jadwalka Soo Xulista Baarlamaanka 2aad

Guddiga farsamo ee soo xulista baarlamaanka 2aad ee Dawlad goboleedka  Hirshabelle ayaa maanta soo bandhigay jadwalka soo xulista Xildhibaanada baarlamaanka 2aad ee Hirshabelle.

Ka dib Kulan ay maanta ku yeesheen Magaalada Jowhar ayay ku soo saareen Jadwalka kaas oo lagu qeexay Hawsha soo xulista baarlamaanka iyo sida loo qabanaayo.

Jadwalka Waxaa ku qoran in maalin kahor xilliga ay ku egtahay muddada baarlamaanka koowaad oo ah 9ka bishan ay bilaabanayso howlaha guddiga.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com