Weerar Hoobiyayaal oo ka dhacay Magaalada Jowhar.

Jowhar:-Weerar loo adeegsaday Hoobiyayaal ayaa ka dhacay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabelle.

Weerarka oo ka dhacay Xaafada Horseed iyo Hanti-wadaag ayaa ah meel ay inta badan dagan yihiin Madaxda Hirshabelle.

Alshabaab oo saldhig ku leh Deegaano hoos taga Jowhar ayaa loo badinayaa in ay weerarka ka dambeeyaan.

Habeen ka hor ayay aheyd markii weerar Bambaano oo ka dhacay Jowhar ayaa waxaa ku dhaawacmay sedex ka mid ah xildhibaanada Maamulka Hirshabelle.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com