Madaxtooyada Soomaaliya oo faragalin xoogan ku heysa Magacaabista aqalka sare ee Hirshabelle.

Muqdisho:-Xogaha kala duwan oo ay heleyso warbaahinta aragticusub ayaa sheegaya in xarunta Madaxtooyada faragalin xoogan ku heyso magacaabista liiska xubnaha aqalka sare ee Maamulka Hirshabelle.

Warka ayaa tilmaamaya in Villa Somali liis ay ku qoran yihiin magacyo u soo gudbisay Madaxweyne Ali guudlaawe taasi oo culuees Weyn ku keentay magacaabida xubnaha aqalka sare.

Madaxweyne Ali guudlaawe ayaa ku gacan seeray magacaabista xubnaha villa Soomaaliya.

Maddxtooyada ayaa ah mid markii dambe ku qancisay in Ali guudlaawe u furo liiska musharaxiinta si taasi fursad ugu noqoto xubanaha Madaxtooyada wadato in tar tar adag la galaan xubnaha musharaxiinta ee fikir ahaan ka soo horjeeda Madaxda Dowlada hogaamisa.

Madxxweyne Ali guudlaawe ayaa dhawaan mowqifkiisa ka horcadeeyay xildhibaanada baarlamaanka ee ku aadan magacaabista liiska xubnaha aqalka sare taasi oo hadalkiisa ka muuqanaysay ku qanacsanaanta go,aanka dambe ee villa somalia ee ah in liiska musharaxiinta laga dhigo mid furan.

Madxtooyada ayaa la xaqiijiyay in xubnaha ay wadato ka mid yihiin agaasimaha NISA fahad yasin iyo waliba Abdullahi Sheekh Hassan oo ay rabaan in kursiga kula tartamo Muuse suudi yalaxow oo ah Mucaaradka ugu weyn ee Madaxda dowlada hada hogaamisa.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com