Baabuur ay saaranaayeen Dad shacab ah oo Miino ay kula qaraxday Degaanka Basra ee Gobolka shabeelaha Dhexe

Wararka ka imaanaya Degmada Balcad ee gobolka shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in Qarax ka dhacay degaanka Basra uu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac

Wararka ayaa sheegaya in Gaari hoomay ah oo Dad shacab ah waday ayaa miino kula kacday inta u dhexeysa Balcad iyo Degaanka Basra ee gobolka shabeelaha Dhexe

Dhammaan Dadkii saaranaa Gaariga Hoomayga oo la sheegay in ay gaarayeen 20 qof ayaa Halkaasi ku geeriyootay Waxaana Dadka qaar la sheegay  Meydadka qaar Wajigooda la garan waayay ka dib markii ay jirkooda uu go, goay

Wadada u dhexeysa Basra iyo Degmada Balcad ee gobolka shabeelaha Dhexe ayaa la sheegay in Miinooyin ay ku aasan yihiin Taasi Dad badan oo shacab ah Cabsi ay ka muujiyeen in ay maran Halkaasi

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com