Ra’iisal Wasaare Rooble oo booqday Xaruunta Safaarada Soomaaliya ee Dalka Kuwait

Ra’iisul wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Kormeeray xarunta Safaarada Soomaaliya ee dalka Kuwait Isaga oo ay wehliyaan sii hayaha wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawud iyo Xubno kale.

 

Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxa uu warbixin ka dhageystay safiirka iyo howlwadeennada  safaaradda waxaana uu uga mahadceliyay shaqada ay qaranka ku hayaan sidoo kale waxa uu ku dhiiri galiyay inay sii labo jibaar shaqada culus oo ay uhayaan bulshada Soomaaliyeed iyagoo matalaya qaranka Soomaaliyeed.

 

Wafdi uu hogaaminayo Ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa dalka Kuwait u tagay ka qayb galka  Tacsida Amiirkii dalkaasi oo dhawaan ku geeriyooday dalka Mareykanka.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com