Digniin culus oo loo diray Hay’adaha Garsoorka dalka.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda waqtigeeda sii dhamaanayo Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo saaray digniin culus oo si gaar ugu socotay Hay’adaha garsoorka dalka.

Mudane Rooble ayaa uga digay hay’adaha garsoorka inay u cadaalad fali waayan bulshada Soomaaliyeed, xili muddooyinkii dambe cabasho ka imaanaysay qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay in uu ka war hayo cabasho badan oo bulshada ka muujiyeen garsoorka dalka, taasi oo uu maanta uga digay bahda garsoorka.

“Shacabka Soomaaliyeed aad bey uga cawdaan garsoorayaasha waxaan idinkaga digayaa in shacabku idinka cawdo, waxa aad maanta fashaan ayaad bari heleysaan, barri shacab ayaad noqoneysaan maanta cadaalad fala si aad barri u heshaan,” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Rooble.

Sidoo kale waxa uu sheegay in mas’uuliyiinta Garsoorka ay berri noqon doonaan shacab, loogana baahan yahay inay ka digtoonadan waxa ay falayaan inta ay xilka u hayaan bulshada.

Digniintan ayaa imanaysa xilli dhowr jeer bulshada qaarkood ay cabasho xoogan ka muujiyeen bahda cadaalada, oo ay sheegen inaysan maxkamadaha dalka ka helin cadaalad.