Xaalad alow sahal ah oo laga dareemayo magaalada Gelinsoor kadib markii…

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta xaalad alow sahal ah laga dareemayo magaalada Gelinsoor ee gobolkaasi, kadib markii ay isku fadiyeen ciidamo ka tirsan Galmudug oo gadoodsan.

Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa lagu soo waramayaa inay labo jidgooyo ka sameysteen halkaasi, iyaga celinaya gaadiidka noocyadiisa kala duwan.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamadan oo dhowaan tababar loogu soo xiray xerada Dhanka-Roone ayaa sheegay inay ka cabanayaan mushaar la’aan heysata.

Sidoo kale ciidamada ayaa ku goodiyey inay magaalada u kala xirnaan doonto, inta ay ka helayaan mushaaraadkooda xuquuqdooda.

Dhaq-dhaqaaqa ay wadaan ciidamada ayaa sidoo kale sameyn ku yeeshay gaadiid fara badan oo haatan ku xayiran gudaha Gelinsoor, kuwaas oo ah kuwa safar ah.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay madaxda Galmudug oo ku aadan xiisada ka taagan magaalada Gelinsoor iyo gadoodka ay ka sameeyeen ciidamada maamulkaasi.

Inta badan ciidamada Galmudug ayaa gadood & dhaq-dhaqaaqyo culus ka sameeya magaalooyinka maamulkaasi, iyaga oo ka cabanaya mushaaraad iyo daryeel la’aan.