shirka Dhuusamareeb 3 oo furmaya Axmed Madoobne iyo Deni oo ku wajahan Halkaasi

Magaalada Dhuusamareeb Xarunta Maamulka Galmudug waxaa maanta ku wajahan Madaxweynayaasha maamulada  Puntland iyo Jubland  Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo aysan u suuragalin in shalay  gaaraan   Magaalada Dhuusamareeb.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Madaxdaasi   maanta ay  ku wajahan yihiin Magaalada Dhuusamareeb oouu Shirka (Dhuusamareeb 3uu ka qabsoomayo , oo haddii ay tagaan Xarunta Galmudug uu toos u furmayo.

Madaxda Maamulada Jubland iyo Puntland Axmed Madoobe iyo Siciid Deni ayaa wararku  ay sheegayaan in saacadaha soo socda ay ku wajahan yihiin Magaalada Dhuusamareeb halkaas oo ay uu ku sugan yahay Madaxweynaha Soomaaliya maxamed cabdilaahi Farmaajo iyo Madaxweynayaasha  Koofur Galbeed iyo Hirshabeele oo shirka Dhuusamareeb 3 ka qayb galaya

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com