Maamulka Galmudug oo sheegtay in ay qabatay qarax iyo ruuxii watay

Ciidamada Danab ee 21-aad ayaa gacanta ku dhigay nin ay sheegeen in uu walxaha qarxa ka keeney Ceelbuur.

Ninkaan ayaa lagu qabtay kadib markii howlgalo ay ka sameeyeen ciidamadu Magaalada Dhuusamarreb.

Qabashadiisa ka dib ayeey ciidamadu ku guuleeysteen in ay qarxiyaan walxihii qarxa oo uu meel horay ugu soo xasheystay.

Ciidamada danab ayaa qarxiyey walxihii uu uu doonaayo in inuu ku qalqalgaliyo Amaanka Caasimada isagiina xabsiga u taxaabay sidda lagu sheegay War kasoo baxay taliska qeybta 21-aad.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com