Wararkii ugu dambeeyay Nabadoon Masaajid ka soo baxay oo Muqdisho lagu dilay

Allaha u naxariistee waxaa xalay Magaalada Muqdisho lagu toogtay nin Nabadoon ahaa, kaasi oo lagu dilay Xaafadda Juungal ee Degmada Yaaqshiid.

Dilkan ayaa ka dhacay Xaafada Juungal, waxaana nabadoonka la dilay lagu magacaabayay Xaaji Shaahid Kheyr-doon.

Koox Bistooladley ahaa ayaa Nabadoonka ku dilay afaafla hore Masaajid uu ku soo dukaday Salaada Cishaha, kadib markii uu Masaajidka ka soo baxay ayaa rasaas lala beegsaday.

Dableydii dilka gaysatay ayaa meesha ka baxsatay, waxaana mar dambe halkaasi gaaray Ciidamo ka tirsan dowladda Federalka Somaliya oo goobta ka qaaday maydka Nabadoonka.

Nabadoonka la dilay ayaa si wayn looga garanaayay Xaafadda Juungal ee Degmada Yaaqshiid, lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka loo gaystay ninkaan Nabadoonka ahaa.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com