Rooble oo si maldahan u weeraray kooxda Madaxweyne Farmaajo

Ra’iisal Wasaaraha ayaa tilmaamay in doorashadu ay tahay xalka keliya ee maanta uu dalka haysto, howlihii dowladana ay u xayiran yihiin qabsoomidda doorashadaasi.

“Dalkan xalka keliya ee aan haysano waa doorashada, doorasho haddii aysan dhicina dalkan mugdi ayuu gelayaa, shacabka waa dhiig baxayaa, noloshii caadiga ahayd waxaa loo wada xayiran yahay doorashada.

Waad aragteen ganacsiga waa hooseeyaa, doorashada haddii ay naga dhammaato Insha’Allah, wax kasta sidoodii caadiga ayay ku soo noqonayaan. Mucaawinooyinkii waa istaageen, taageeradii dhaqaale ee dowladda la siinayay way taagan yihiin, waxaas oo dhan waxaa asal u ah doorasho inay dhacdo. Ka xukuumad ahaan waxaa naga go’an doorasho inay dhacdo.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa yiri “Dad baa ka shaqeynaya inay doorashada carqalad geliyaan, dad ajandooyin kale wato ayaa ka shaqeynaya in ay jiidaan ama ay hakiyaan ama macno kale ka dhex raadinaaya, meesha loo socdo waa doorashada in la carqaladeeyo.”

Isagoo ka hadlayay Shirka Khamiislaha ee Golaha Wasiirada ayuu sheegay inay ka go’an tahay in ay dalka ka qabtaan doorasho daahfuran, kuwa doonaya inay carqaladeeyaana aanay ka yeeli doonin.

“Cadaaladda way naga go’an tahay, cadaaladda waa muhiim, hufnaanta doorashada waa muhiim, cid kastoo caqabad u aragta cadaaladda ama hufnaanta aan wadno oo isku dayda inay doorashada xumeyso, kama yeelayno.” Ayuu yiri Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda ayaa yiri “Sidaad la socotaan Shirka Wadatashiga Qaranka ayaa waxaan ku ballansanahay Axadda inay wada yimaadaan ama Sabtida, diyaaradihii waa loo diyaariyay, Isniintana uu shirka bilowdo. Shirkaas waa dardargelinta doorashooyinka & huftaanteeda iyo inaan ku go’aansano in sida ugu dhakhsiyaha badan aan doorashada ku cayino waqtigii ay ku dhammaan laheyd oo wadajir ah, si shacabka uusan dhiig bax dambe ugu dhicin, waan isla qaadanay Madaxda Dowlad Goboleedyada, waana imaanayaan, hadduu Alle idmo.”

Rooble ayaa Wasiirada Amniga iyo Gaanshaandhigga faray in amniga Magaalada Muqdisho iyo kan dalkaba ay gacan bir ah ku qabtaan, kana hortaggaan argagixiso iyo wixii lamida, sida uu yiri.

“Ma yeelaayi, mana ogolaanayno in argagixiso iyo wax lamid ah ay naga dhex shaqeystaan, maadaama lagu jiro xilli xasaasi ah oo doorasho ay socoto. Waajib ayaa ka saaran Wasiirka Amniga iyo Wasiirka Gaashaandhigga, waa in cadowga meelaha ay jooggaan loogu taggaa, amniga idinkaa ka masuula, gacan iyo garab ayaana idin hayaa.” Ayuu yiri Rooble.

Rooble ma sheegin shakhsiyaadkaasi carqaladeynaya doorashada dalka, Warbaahinta ayaase fahamsan in warkiisu uu durayo Villa Somalia, haddii toddobaadkii hore uu mad madow soo kala dhexgalay isaga iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.