Tigray: Dad isku qoys oo lagu khasbay inay isu galmoodaan

Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan tacadiyada galmada ee goobaha dagaalka, Pramila Patten ayaa sheegtay in eedeymo culus oo kufsi baahsan ah laga soo sheegay Magaalada Mekelle ee Xarunta Gobolka Tigray.

Pramila Patten ayaa ka dhawaajisay inay soo gaareen warar argagax leh oo sheegaya in xitaa dad isku qoys ah lagu khasbay inay isu galmoodaan, haddii ay diidaana la dhibaateenayay.

Waxay kaloo sheegtay inay jiraan warar sheegaya in haweenka qaarkood lagu khasbay inay galmo la sameeyaan Ciidamada Militariga, si ay u hellaan waxyaabaha asaassiga u ah noloshooda.

Pramila Patten ayaa xustay in cadeymaha ugu badan ay ka helleen xarumaha caafimaadka, kuwaa oo muujinaya inay kordheen dadka codsanaya dawooyinka dhalmada looga hortaggo iyo dumarka iska baaraya cudurada galmada lagu kala qaado. Arrimahan ayay tilmaamtay inay astaan u yihiin tacadiyada galmada ee dhaca xilliyada colaadda.

Waxa ay intaa ku dartay in ay sidoo kale kordheen wararka sheegaya in tacadiyada galmada lala beegsado haweenka iyo hablaha ku nool xeryaha qaxootiga.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com