Al-shabaab oo toogasho ku dishay Nin dhlinyaro ah.

Al-Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe toogasho ku fuliyey Cabdishakuur Muxumed Axmed oo ay ku eedeeyeen inuu fara xumeeyey canug yar, sida ay shaacisay maxkamad hoostagta Alshabaab .

Fagaaraha lagu toogtay marxuumka oo ku yaalla deegaanka Booco ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa ku sugnaa xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo boqolaal dadweyne ah oo la’isugu yeeray halkaasi, su ay goobjoog uga noqdaan halka lagu toogtay ninkaasi.

Maxkamadda Al-Shabaab ayaa sheegtay Cabdishakuur Maxamed uu ‘canug yar ku sameeyey falkii Qowmuluud, isla-markaana uu qirtay, sida ay hadalka u dhigtay.

Cabdishakuur ayaa ahaa nin dhalinyaro ah, isla-markaana ka mid ahaa dadka deegaanka.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com