Maamulka Galmudug oo sheegay in ay la wareegeen Guriceel

Maamulka degmada Guriceel ayaa sheegay inay la wareegeen gacan ku haynta magaalada ka dib dagaal xoogan oo halkaas ilaa shalay ku dhexmarayay ururka Ahlu Sunna iyo ciidamada dowladda, sida ay maamulka degmadaas ku sheegeen muuqaal lagu baahiyay telefishinka Qaranka ee Soomaaliya.

“Ciidamada dowladda waxay gacanta ku hayaan dhamaan degmada Guriceel, waxaa u suurta gashay inay gacanta ku soo dhigaan maxaabiis fara badan oo ah dadkii ka dagaalamayay qayba ka mid ah degmada Guriceel.” Ayuu yiri masuul u hadlay maamulka Guriceel oo aan magacaciisa halkaas laga sheegin.

Maamulka degmada ayaa sidoo kale shacabka ku sugan gudaha magaalada ugu baaqay in ay ka baxaan goobaha uu dagaalka ka socda.

“Waxaan baaq u diraya dadka reer Guriceel ee ku sugan magaalada gudaheeda, waxaa magaalada ka socda howlgal deg deg ah kaas oo ay ciidamada dowladda ku raad joogaan Ahlu Sunna, waxaan dadka u sheegaynaa inay guryahooda ku nagaadan.” Ayuu yiri.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com