Hawlgal ay sameeyeen Ciidamada Booliska Gobolka Bari oo gacanta ku dhigay Gaari siday hub iyo saanad.

Hawlgal ay si wadajir ah u wada sameeyeen Ciidanka Booliska Gobolka Bari ee Puntland iyo kuwa Sirdoonka Maamulkaas ayaa Magaalada Boosaaso oo ah Xarunta Gobolka Bari ku qabtay gaari siday hub.

Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga ee Gobolka Bari oo Warbaahinta la hadlaya yaa sheegay gaari nuuciisa yahay Iska-Roge kaas oo lagu soo dhax qariyay hub iyo saanad sharci-darro ah, laga helay Garaash lagu dhex qariyay oo ku yaalla gudaha Boosaaso, kadib markii la helay xog ku saabsan Gaarigaas uu hubka saaran yahay.

Mid ka mid ah Saraakiisha Ciidanka oo hadlay ayaa yiri “Gaariga Ciid ayaa kor looga soo raray, si loogu qariyo hubka iyo saanadda saaran si aan looga dsreemin hubka uu sido, balse Ciidanku xogtiisa hayay ayaa ku guuleystay inay qabtaan ayuu yiri”.

Hawlgalkaan ay sameeyeen Ciidanka Booliska Gobolka Bari ayaa ku soo aadaaya xilli Magaalada Boosaaso ay ku dagaalmeen Ciidamada Puntland iyo kuwa Ha’adda PSF kaas oo ka dhashay xil ka qaadis uu ku sameeyay Madaxweyne Dendi Hoggaanka Ciidanka PSF.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com