Dawlada Federaalka Soomaaliya oo ka hadashay qabsoomida shirka Dhuusamareeb

Dawlada Federaalka soomaaliya Soomaaliya ayaa ka warbixisay waxyaabo la xiriira  qabsoomida shirka la filayo in 15-ka bishan August uu ka dhaco gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Sii haayaha Wasiirka Dastuurka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in ay socoto qaban-qaabadii ugu dambeysay ee shirkaasi oo ay isku arki doonaan madaxda dowladda dhexe, kuwa dowlad goboleedyada iyo saamileyda siyaasadeed ee dalka.

Sidoo kale Saalax Axmed Jaamac oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri’in maamulada Jubbaland iyo Puntland ay weli diidan yihiin ka qeyb-galka shirkaasi, balse wuxuu tilmaamay inay socdaan dadaallo lagu qancinayo maamulladaasi.

Wasiirka Dastuurka ayaa carabka ku Adkeeyay in dadaalladaasi ay hormuud ka yihiin madaxweynayaasha maamullada Galmudug iyo Koonfur Galbeed

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com