Puntland oo markii ugu horreysay qabaneysa doorasho qof iyo Cod

Maamulka Puntland ayaa qabanaya markii ugu horreysay doorasho qof iyo cod ah, iyadoo codbixayasha ay iu diyaariyeen doorashooyinkaasi.

Doorashooyinka  oo dhacaya maalinta berri ah oo ah, ayaa ka kala dhicidoona saddex degmo oo kala, Qardho, Eyl iyo Ufayn, oo kana tirsan gobolada, Karkaar ‘ Nugaal ,iyo Bari.

inka badan 30 kun oo ruux  oo iska diiwaan galiyay saddexda degmo ayaa lagu wadaa   in ay noqdaan codbixiyaasha doorashooyinkaan.

sidoo kale degmooyoiinka doorashooyinka ka ay dhacayaan ayaa la filayaa  in lagu qabto iskusoo baxyo ay urur siyaasadeed yada Puntland doorashooyinka ay uga qayb qaadanayaan

Sidoo kale 3 urur siyaasadeed, ayaau muuqda kuwo doorashooyinka ku si adag ugu tartamaya , kuwaas oo kala ah,  Kaah, Mideeye iyo Sinnaan iyo Caddalad. Sinnaan iyo Caddalad.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, ayaa berrito noqono doona qofka ugu horreeya ee codkiisa dhiibta, isagoo ka coddayndoona magaalada qardho oo ah deegaan doorashadaasi.

Puntland  ayaa muddo hadda laga joogo 8  doonaysay in ay qabato doorasho qof  iyo cod balse kuma aysan guuleeysan xilligaasi.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com