Puntland oo dad u qabatay qarax khasaaro geystay

Ciidamada Ammaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa 24-kii saacadood ee la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka wadeen xaafado ka tirsan waqooyiga Gaalkacyo, halkaas oo habeen ka hor uu qarax ka dhacay.

Saraakiil ka tirsan laamaha amniga Puntland ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka lagu qabqabtay dad lagu tuhmayo qarixii habeen ka hor ka dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Saraakiisha ma shaacin tirade dadka ay falkaasi u qabteen, hayeeshee ay sheegeen in haatan dadkaasi ay ku hayaan baaritaano ciddii dabi lagu helana ay maxkamad horgeyn doonaan.

Habeen ka hor ayaa waxaa Magaalada Gaalkacyo bam gacmeed lagu weeraray Ciidamo ka tirsan Booliska Puntland, waxaana qaraxaasi ku dhintay hal askaro iyo qof Shacab ah, halka ay ku dhaawacmen 8 Ruux, iyada oo ay qaraxaasi sheegteen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com